Diyaaradaha Dagaalka Kenya oo ku Toogtay Geel fara badan Deegaan ka tirsan Jubaland

Geel tiradiisu gaarayso 53-Halaad oo ay leeyihiin Xoolo dhaqato kasoo jeeda Beesha Harti ee Jubaland,ayaa waxaa toogtay Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya.

Laynta Geelan waxay ka dhacday Deegaanka Wafaynle oo ka tirsan Degmada Badhaadhe.

32-Halaad oo kale,ayaa Dhaawacyo halis ah kasoo gaareen toogashadaas,kuwaasoo aan hada wax rajo ah lahayn.

Aadan Cabdiraxmaan oo ah Ninka Geelaas lahaa,ayaa ii xaqiijiyay in Diyaaraduhu soo weerareen xili Duhurnimo ah abaarihii 12:30-ka.

Aadan,waxuu kaloo noo sheegay in ay jiraan Dad dhaawacyo soo gaareen.

Ilaa iyo hada Dowlada Jubaland kama aysan hadlin dhacdadaas foosha xun,mana jirto Gurmad loo fidiyay Dhibanayaashii.

Jibril Qoobey.