Talyaha Booliska Mudug Oo beeniyay in uu jiro khilaaf kala dhaxeeya Duqa Magaalada

Warqadan kama soo bixin Qaybta Booliska Gobolka Mudug oo waa been abuur,sida uu ii xaqiijiyay Talye Muumin.

Majirto Ciidan Boolis ah oo waayay kharashkii hawlgalka roondada,shaqaduna si fiican ayay usocotaa.

Sidoo kale Dowlada hoose majirto Lacag ay ka jartay Ciidamada Amaanka,si buuxda ayayna ubixisaa qoondada kaga aadan Amaanka,sida uu ii xaqiijiyay Duqa Magaalada.

Markaan dabagalay Warqadan isha ay kasoo baxday waxay noqotay mid ka mid ah Musharaxiinta Duqa Gaalkacyo,kaasoo uga dan lahaa ku fadeexaynta Duqa xilka haya Maxamuud Cabdinuur.

Jibril Qoobey.