Beesha caalamka oo yastay Qorshaha dhaqaajinta Doorashada Ee Rooble !!

Rooble waji gabax,ayuu kala kulmay Beesha caalamka,isla markaana waxaa fashilmay isku daygiisii bilaabida Doorashada.

Dharbaaxo wajiga looga dhuftay,ayuu ku yahay Rooble Warka Deeq bixiyayaasha ee shuruud ku xirida dhaqaalaha Doorashada.

Rooble,waxuu isku dayay in uu dhaqaajiyo Doorashada si uu uhelo dhaqaalaha Deeq bixiyayaasha uguna muuqdo Nin Dalka Doorasho gelin kara,balse waa laga hor yimid qorshihiisii.

Ugu yaraan 3-Dowlad Goboleed,ayaa laga rabaa in isku mar Doorashadu si muran iyo dood la’aan ah oo wada ogol ah ay uga bilaabato.

Si uu uhelo Sadexdaas D.Goboleed waxuu ku khasban yahay in uu wajaho la xaajaysiga Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo shuruudahooda oo uu ka war wareegayay.

Rooble,waxuu abaabulay Xildhibaanada Aqalka-hoose ee Gobolada Waqooyi ,kadibna Dhuusamareeb,ayuu isku sii daayay,isagoo Qoor-qoor umuujiyay dabacsanaan si uu u aqbalo bilaabida Doorashada.

Sida xoguhu sheegayaan Rooble waxuu Qoor-qoor xataa la gaaray in uu la dhisayo Farmaajo si Qoor-qoor Rw ugu noqdo marka uu soo baxo.

Haatan xaalku waa adkaaday fursad kalana uma furna aan ka ahayn in uu ku deg-dego tagida Garowe aqbalana Shuruudaha JL ee ah Hal Magaalo iyo Ergada oo la yareeyo.

Jibril Qoobey.