Imisuu dhan yahay Dakhliga Gudaha Ee Miisaaniyada Puntland?

Garoowe, November 17, 2021: Guddiga Dhaqaalaha & Xisaabaadka ee Golaha Wakiilladda DPL ay kulan la qaatay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland.

Guddiga oo akhriskii 2-aad ku sameynayey Miisaaniyadda 2022 ee Golaha hortaala ayaa su’aalo ka waydiiyey mas’uuliyiinta Wasaaradda si ay u helaan xog-dheeri ah oo la xiriirta miisaaniyadda.

Miisaaniyadda sannadkaan 2022 ayaa dhan $354,093,039, waxayna ka kooban tahay dhakhli lagu maamulayo khasnadda Dawladda iyo dhakhli ka baxsan khasnadda Dawladda, sida ku cad Buugga Miisaaniyadda dhakhliga gudaha sannadkaan ayaa noqonaya $93,363,604 oo bishii ku qoondeysan $7,780,300 kaas oo ka soo xaroonaya dhammaan Gobollada Puntland, waxaana sannadka 2022 kordhay dhan 11% marka la barbar dhigo sannadkii 2021.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka jawaabay dhammaan su’aalihii Guddigu waydiiyeen.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland