Jeneraalkii hawlgabka ahaa ee Asluubta Puntland Oo xilkii laga qaaday.

Cali Nuur waa Masuul Da’a ah oo ubaahan in la nasiyo.

Xilka qaadistiisan waa mid loo baahnaa oo mar horaba ay ahayd in la sameeyo lalana soo daahay.

Ciidanka Asluubta Puntland oo qiyaastii lagu sheego 760-Askari,ayaa ka mid ah kuwa ugu diyaarsan Ciidamada Puntland

“Magacaabis”

Madaxweynaha Dowladda Puntland markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoondooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo
Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa S/Guuto Bile Faarax Cali loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland.
  2. Waxaa S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Axmed (Gantaal) loo magacaabay Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay

Jibril Qoobey.