Muxuu yahay ujeedka socdaalka Baadiyow iyo Cirro Ee Puntland?

Baadiyow iyo Cabdirashiid Cirro waxay soo abaabusheen qorshe ay ula baxeen Aqoonyahanka Somaliyed.

Waxay hal ku dhig ka dhigteen “Doorasho hufan”,iyagoo sheegay in ay tala siinayaan Gudiyada Doorashada,Isimada iyo Odoyaasha si ay usoo saaraan Xildhibaano caafimaad qaba.

Balse ujeedku waa ka duwan yahay sidaas,waa qorshe uu soo maalgaliyay Khayre oo si dadban loogu olalaynayo oo Bulshada qaybaheeda kala duwan loogu tilmaamayo in Khayre yahay hogaamiyaha Maanta Somaliya ubaahan tahay.

Cabdirashiid Cirro,waxuu xiriir lasoo sameeyay Madaxtooyada Puntland oo ka codsaday in lasoo dhaweeyo oo ay yihiin Aqoonyahano is abaabulay.

Madaxweyne Deni oo xushmeeyay xogta hoosana aan hayn,ayaa soo dhaweeyay oo ku casumay Madaxtooyada.

Balse markii Labaad oo ay ahayd in ay gaar ula kulmaan Madaxweynaha,ayaa la baajiyay markii xogtooda oo dhamaystiran ay gaartay Madaxtooyada.

Khayre waxaa ka fashilmay qorshihiisii Olalaha ee Puntland oo Cali Xoosh hogaaminayay.

Jibril Qoobey.