Xoghayaha Guud oo ku baaqay in la sii daayo Shaqaalaha ku xiran Itoobiya

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo ka hadlay xaalada Itoobiya ee xiligan,ayaa mar kale ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo Shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku xiran Itoobiya.

“Sida xog-haya guud ee Qaramada midoobay ka warhayo shaqaalahan,ayaa lagu hayaa Xabsi,yadoon wax dambi ah lagu soo oogin, mana jirto xog gaar ah oo laga bixiyay sababaha loo xiray.”Ayuu yiri Xoghayaha Guud.

Shaqaalaha Qaramada Midoobay,ayaa shaqo muhiim ah oo dhexdhexaadnimo ah ka wada Itoobiya.

Xoghayaha Guud waxa uu carabka ku adkeeyey waajibka ah in la ixtiraamo dhawrsanaanta shaqaalaha Qaramada Midoobay ee caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah ee Itoobiya.

Sidoo kale Xoghayaha Guud waxa uu walaac ka muujinayaa wararka sheegaya xarig aanvsabab lahayn oo lala beegsanayo Qowmiyad gaar ah sabab lahayn,isagoo ugu baaqay ilaalinta xuquuqda Aadanaha iyo Sharciga.

“Dagaalka Millatari ee socda ma keenayo Nabad iyo xasillooni waarta Itoobiya”Ayuu yiri Xoghayaha Guud oo hadalkiisa sii wata.

Xoghayuhu wuxuu hoosta ka xariiqay in caqabadaha haysta Itoobiya lagu xallin karo wada hadal ay ka qaybgalaan dhamaan Bulshooyinka.

Jibril Qoobey.