Qaramada Midoobey oo amaantay Doorashooyinkii Qof iyo Cod Ee Puntland.

Qaramada Midoobey oo amaantay Doorashooyinkii Qof iyo Cod ee Puntland.

Swan ooka hadlayay Golaha amaanka shalay,ayaa si gaar ah uxusay Doorashooyinkii Qof iyo Cod ee Puntland ka qabsoomay.

“Marka laga soo tago diyaargarowga doorashada heer Qaran,waxaa si nabad ah u qabsoomay doorashooyin qof iyo cod ah oo bishii Oktoobar ka dhacay Daddex Degmo oo ka tirsan Puntland, taasoo muujisay “suurtagalnimada in doorasho Qof iyo Cod ah ay dhici karto Soomaaliya,waxayna hoosta ka xariiqday rabitaanka dadka Soomaaliyeed ee ku aaddan ka qaybgalka siyaasadda,iyadoo la raacayo nidaamka caalamiga ah ee Doorashooyinka”.Ayuu yiri Swan.

Warkan waxuu uyahay Madaxweyne Deni iyo nidaamka Dowladnimo ee Puntland wax weyn,waxuuna markale xaqiijinayaa doorka curadnimo ee ay ku leeyihiin Somaliya Dowladnimadeeda reer Puntland.

Jibril Qoobey.