Talyaha cusub Ee Booliska Bari Oo xilkii la wareegay

BOOSAASO -18,November,2021 Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland S/Guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa ka qayb galay xafladda xil wareejinta Taliyaha cusub ee qaybta Gobolka Bari iyo Taliyihii hore ee qaybta.

Munaasabadda xilwareejinta waxaa ka qayb galay qaar kamida golaha Wasiirarada Puntland,Gudoomiyaha Gobolka Bari,duqa degmada Bosaso,siyaasiyiin,Isimo,ganacsato iyo saraakiisha Booliska Gobolka bari.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland S/Guuto Maxamed Cali Xaashi oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay munaasabadda xilwareejinta ayaa ku dheeraaday ka haldalka guulaha amniga ee boosaaso laga gaaray iyo wadashaqayn booliska iyo shacabka,Taliyihii hore ee qaybta gobolka Bari G/Sare Xuseen Calli Maxamuud ayuu Taliyaha booliska Puntland ku amaanay shaqadii amni ee baaxadda lahayd uu ka soo qabtay gobolka mudada uu joogay,waxa uu isna la dardaarmay Taliyaha cusub ee Gobolka Bari G/sare Cabdi qaadir Jaamac Dirir oo urajeeyay in uu shaqada halkaas ka siiwado waxa uuna alle uga baryay in uu ufududeeyo xilkaas.