W.Amniga Puntland iyo Madax ka socotay Unsom oo kulmay

Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR ee Dawladda Puntland Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan oo ay wehliyan Wasiir ku Xigeenka iyo Agaasimaha Guud ayaa shir la qaatay madax ka socota hay’addaha UNDP iyo UNSOM shirkaas oo looga hadlay dardargalinta iyo dhamaystirka Barnaamijka Hormarinta Booliiska (JPP).

Kulanka ayaa waxaa la isku afgartay sidii si habsami leh loogu dhamaystiri lahaa wajiga koobaad ee barnaamijka si loo bilaabo wajiga labaad.