Faah-faahin kasoo baxday qaraxi maanta ka dhacay Bardaale

Wararka ka imaanaya magaalada Bardaale ee gobolka Bay ayaa sheegaya, in ugu yaraan 7 qof oo shacab ah ay ku dhinteen 11 kalena ay ku dhaawacmeen, qarax maanta ka dhacay suuqa magaaladaas.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in suuqa uu qaraxa ka dhacay ay ku yaalaan dukaamo maalmaha jimcaha ay dadka reer miyiga aad uga adeegtaan, iyo qeyb yar oo suuqa ka tirsan oo lagu iibiyo jaadka.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhashay miino dhulka lagu aasay. Dhowr ka mid ah 11-ka qof ee dhaawaca ah ayaa lagu warramay in xaaladdooda ay liidato.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, laakiin guddomiyaha degmada Bardaale Maxamed Isaaq Caracase, oo VOAda la hadlayay ayaa Al-shabab ku eedeeyay inay qaraxa ka dambeeyeen.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Al-shabab ay ka aargudanayaan dadka shacabka ah, kaddib iyagoo ka xanuunsanaya weero ay kala kulmayeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.