Musharaxiinta Xildhibaanimo oo la faray in ay Lacagta ku shubaan Bankiga Dhexe

Guddiga Doorashooyinka,ayaa soo saaray warkan ku docda Musharaxiinta Xildhibaanimo ee Aqalka-hoose.

“ WARGELIN”


Dhammaan waxa lagu war galinayaa musharax kasta oo ku tartamaya kuraasta gollaha Shacabka ee ka dhacaysa Dalka in ay lacagta diiwaangelinta ku shubaan xisaabaadka Bangiga Dhexe uga furan Doorashooyinka, iyadoo uu koonto hoosaadyo ku kala leeyahay laamaha Bangiyada gaarka ah ( Private Banks) ee hoos ku xusan.”

Dhanka kale Warka Gudiga,waxaa loo arkaa mid Malagiis galay oo layska yiri kana fog waaqiciga jira.

Majiri doono Musharax lacag ku shubaya Bankiga Dhexe ee Xamar oo xataa kuwa isla Xamar ka tartami doona,ayaan ku shubi doonin.