MUXUU YAHAY HUBKA KINIISADA LAGA HELAY EE KA CADHAYSIIYAY BUURALAYDA?

Maamulka Magaallada Addiss-Ababa iyo Booliska caasimada, ayaa maalintii shalay sheegay inay qabteen rasaas tiro baddan oo lagu qariyay mid kamida kiniisadaha ku yaala Addiss-Ababa,waxayna sheegen in rasaastan loo adeegsan rabay qorshe Tplf soo maleegtay.

Arrintan ayaa hadal hayn baddan abuurtay,kana cadhaysiisay buurralayda.Xisbiga garabka fog ee Axmarada,Balderas ayaa arrintan ka horyimid waxayna ku tilmaamen inay muujinayso quus Dowladda dhexe ka taaggan tahay dagaalka socdo,iyagoo arrimahan ku tilmaamay waxba kama jiraan lagu magac bi’inayo kiniisadaha.

Dhanka kale warbaahinta buurralayda xubno kamida ah oo ka ka hadlay ayaa arrintan ku tilmaamay dagaal lagula jiro Orthodox-ka(Yacnihi ree waqooyi),Eth-360 waxay sigaar ah eedaymo ugusoo jeediyeen maamulka Addiss-Ababa oo ay sheegen inay magac bi’in iyo sawir foolxun ka bixinayaan Kinisadaha,dagaal ujeeda kale lehna kula jirraan.

Xukuumada Abiye Ahmed ayay sigaar ah ugu eedeyen inay buurralayda isku madhabta ah(Orthodox),iska horkeenen,lana galleen dagaal ka dhan ah.Xubno kinisadaha u shaqeeya ayaa ku doodaya inuu jirro hub qarniyo baddan la kaydiyay,oo ah mid madxaf ahaan(Taariikh ahan) loo ilaalinayay

Vos tv.