10-Su’aal ayaa ku gadaaman dilka Marxuum Afrika iyo dhaawaca Sharmaarke?

1-Yaa Weriye Cabdicasiis ku ballamiyay Hotel City? oo caawa qaraxu ka dhacay?


2.-Yaa isagana meesha ugu yeedhay Agaasime Sharma’arke Maxamed? Oo labadooduba ay Agaasimayaal ka yihiin Warbaahintii la safatay Reysalwasaare Rooble wakhtigii khilaafku kalla dhaxeeyay Kooxda Madaxweyne Farmaajo.


3-Qofka qaraxa gaystay yaa ku ballamiyay meesha?


4-Yaa is-miidaamiyaha tusay Baabuurka Wariye Cabdicasiis iyo Suxufi Sharmaarke?


5-Yay ahayd cidda gudaha Hotelka ku haysay Wariye Cabdicasiis ilaa inta is-miidaamiyahu walxaha qaraxa sameeyay ka diyaarsanayo?


6- Aaway Ciidamada wasaaradda Amniga iyo kuwii Taallada Daljirka Daahsoon joogay ee u dhawayd bartii uu qaraxu ka dhacay?


7- Yay ahayd ciddii ku dhawaad 12-Daqiiqo ay is rasaasaynayeen Ciidamada Booliska ee halkaasi ka dhawaa?


8-Wadaha Baabuurka Wariye Afriks oo isna goobta cashada ku sugnaa,xagee ku dambeeyay?


9-Gaariga ay wateen ma-aha gaarigoodii ee yaa farta ugu fiiqay inay caawa gaariga iska bedelleen?


10–Berri ayuu Hindiya u safri-lahaa,waa tuma cidda ka war-heshay safarkiisa ee sahashay in caawa la is-dhaafiyo?

Kiiskani Al-shabaab kuma dhammaanayo hadii la baari-lahaa waan shirqool lasoo maleegay kolkaad eegto warbixinta Boolisku bixiyay.