Alshabaab oo ka hadashay Geerida Wariye Afrika

Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilka agaasimihii Radio Muqdisho, Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika oo caawa lagu qaarijiyay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Agaasimihii Telefishinka qaranka Sharmaarke Maxamed Warsame,ayaa isna kasoo gaaray dhaawac culus Qaraxaas.

War lagu daabacay warbaahinta Alshabaab,ayaa lagu sheegay dilka Cabdicasiis Afrika in loogu aarguday rag badan oo katir sanaa Alshabaab, oo uu kamid yahay Xasan Xanafi.

Alshabaab waxay sheegeen in weerarkaas uu ahaa camiliyad ishtish-haadi ah, waxayna xuseen in ay muddo dheer ku raad joogeen sidii ay mar un u soo afjari lahaayeen nolashiisa.