Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Miisaaniyadii Abid ugu badnayd

Garoowe: November 20, 2021: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdiirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 12-aad ee Kal-fadhiga 49-aad ee Golaha Wakiillada DPL.

Fadhiga oo ay soo xaadireen 45 Xildhibaan, ayaa Goluhu warbixin ka dhegeysteen Guddiga Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada DPL oo gacanta ku hayey Miisaaniyadda sannadka 2022 oo Guddigu akhrinta 2aad ku sameeyey.

Dood dheer ka dib, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa cod Aqlabiyada ah ku ansxiyey Miisaaniyadda sannadka 2022 taasoo dhan $354,093,039.

Dhinaca kale, Golaha ayaa loo qeybiyey wax-ka-bedelka Xeerka Rugta Ganacsiga iyo Wershaha Dawladda Puntland, waxaana lagu wareejiyey Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha oo Akhhriska 2aad ku soo samaynaya xeerka, waxaana Golaha la horkeeni doonaa 27 Nofeember 2021, hadii Alle Idmo.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland