Wararkii ugu danbeeyay Ee Deegaanka Tigreega

Madaxweynaha Tigreegu,isagoon wax walwal ama baqdin ah aan ka qabin Dowlada Abiy,ayuu kusoo sagootiyay Garoonka Diyaaradaha Maqalle Waftigii dhexdhexaadinta waday ee caalamka ka socday.

Tigreegu Shan Qodob oo cad-cad ayay usoo dhiibeen Waftiga,kuwaasoo kala ah…

1.In la soo afjaro Go’doominta lagu hayo Tigreega oo loo ogolaado Gargaarka Bini’aadantinimo.

2.In Ciidamada Asiyas iyo Abiy ka baxaan Galbeedka Tigreega.

3.In xiriirka caalamka iyo Tigreega dib loo furo oo laga joojiyo carqaladaynta.

4.In Hay’adaha caalamiga ah,gaar ahaan kuwa Qaramada Midoobey ay si xor ah u imaan karaan ugana hawlgeli karaan Deegaanka Tigreega.

5.In la bilaabo Wada-hadal Siyaasadeed oo Qaran.

Waftiga Caalamka ee gaaray Maqalle waxay Tigree kala soo kulmeen soo dhaweyn iyo in ay diyaar uyihiin wada xaajood,iyagoo hadana kusii siqiya Adis dagaalkana gacanta sare leh.