Wariye Afrika oo goor dhawayd Qarax lagu dilay

Allaha u naxariisto walaalkeen Wariye Cabdicasiis Afrika oo ugeeriyooday dhaawicii caawa fiidkii soo gaaray. Samir iyo iimaan Allaha ka siiyo ehelada, asxaabta iyo bahda warbaahinta ee uu ka geeriyooday.

Cabdiasiis Afrika Gaarigiisa,ayaa Qarax loogu xiray,waxuu Wariyihii N8sa uqaabilsanaa Waraysiyada.

Nin shaqo badan ayuu ahaa oo ay aad udaba taagnaayeen Alshabaab.

Fahad iyo Farmaajo,ayuu dalka uga cararay kadib dhaawac horay usoo gaaray iyo in ay wada shaqayn kala dhaxayso Villa Somaliya iyo Nabad diidka.

Rooble,ayaa shaqada dib ugu soo celiyay xilkana umagacaabay.

Ugu danbayn Maanta,ayuu Geeriyooday,waxaana loo badinayaa kiiskaas in uusan ka fogayn arintii Ikraan Tahliil.

Nin aad isku qariya,ayuu ahaa aadna ufeejigan wax badana kusoo dhex jiray NISSA.