Wasaarada Amniga Puntland Oo shir la qaadatay Madaxa UNDP Somaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR ee Dawladda Puntland Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan oo ay wehliyan Wasiir ku Xigeenka iyo Agaasimaha Guud ayaa shir la qaatay madaxa hay’adda UNDP Somalia Mr. Jocelyn iyo wafdi uu hogaaminayay shirkaas oo looga hadlay dardargalinta iyo dhamaystirka Barnaamijyada Istaraatiijiga ah ee Hormarinta.

Kulanka ayaa waxaa la isku afgartay in la xoojiyo wadashaqaynta 20 ka sano korka u dhaaftay ee Wasaaradda Amniga iyo DDR iyo UNDP wada lahayeen taas oo shaqooyin badan soo wada qabtay. Sidoo kale waxaa diirada la saaray sidii loo bilaabi lahaa mashaariic hiraal u leh dadka reer Puntland iyo hormarkooda.

DHAMAAD

xafiiska warfaafinta & wacyi-galinta Wasaaradda Amniga iyo DDR ee Dowlada Puntland.