SNA iyo NISA”Ciidamada cabsida iyo Caburinta Soomaalida”.

SNA iyo NISA:
“Ciidamada cabsida iyo Caburinta Soomaalida”.

Ciidamada Qalabka sida (Somali National Armay) iyo Ciidanka Nabad-sugidda ( NISA ex NSS) 50-kii sano ee ugu damaysay waxay ahaayeen sharka Dawladnimada, waxyeeladooda ayaana ka badnayd waxtarkooda, waxaana la joogaa xilligii si buuxda loo dul-istaagi lahaa.

Gefafkii xusuusta mudnaa ee ciidamadan loo adeegsaday waxaa ka mid ah:

  1. Dilkii Madaxweynihii Dalka ee Cabdirashiid Cali Sharma’arke Oct. 15, 1969
  2. Afgembigii Dawladdii Rayadka ahayd ee la doortay iyo laaliddii Dastuurkii dalka ee Aftida dadweyne lagu ansixiyey iyo xuquuqihii madaniga ahaa oo dhan ee Oct. 21, 1969
  3. Sumayntii iyo dumintii Berkedaha biyaha, qaxintii shacabka, duqayntii iyo burburintii Hargaisa iyo Burco iyo xariggii, xadgudubkii iyo dilkii shacabka ee 1980-aadkii
  4. Ka qayb-qaadashadii dagaalladii sokeeye iyo gabood-falladii dhacay 1990-aadkii
  5. Afgembiga Maamul-goboleedyada, beegsiga siyaasiyiinta ka aragtida duwan Dawladda, xadgudubka dastuurka iyo xorriyadda shaqsiga ah ee sannadihii ugu dameeyey ee Xukuumadihii Farmajo/Khayre

Cilladdu maaha wiilasha iyo gabdhaha ciidamadan qortay, waxayse noqdeen Aalad (tool) uu si sharci darro ah mar walba u adeegsado hogaamiye ama siyaasi talo-boobnimo iyo sharci ku tumasho aaminsan. Tani waxay noqotay dhaqan cusub oo ciidamada ka dhigaya inay noqdaan “Sharka Dawladnimada”. Waxay ciidamadani noqdeen kuwo keli ah ku xiran rabitaanka iyo hab-dhaqanka hadba ninka kursiga ugu sarreeya ee dalka ku fadhiya. Waa nasiib darro in maanta dadka Soomaalida ah qaarkood naftooda uga baqaan askeri Soomaali ah oo tuute xiran iyo nabad-sugid aan muuqan oo madax-jebis looga shaki qabo, dhinaca kalena ay madaxdeenna iyo Hay’adaheenna muhiimka ah waardiyeeyaan askar shisheeye ahi. Wax weyn ayaa qaldan.

Maxaa xal ah?
NISA kuma dhisna sharciyad la ogyahay, waana in meesha laga saaraa.
SNA waa in la hakiyaa dhismahooda ilaa inta si kama damays ah looga heshiinayo Dawladnimada, Doctrine-ka ciidankana dib looga eegayo.

Inta ka horraysa waa in la dhisaa, lana xoojaa police-ka iyo ciidamada Amniga gudaha ee maamul-goboleedyada.