Yaasiin Farey iyo Xubno uu ku jiro oo la siiyay Shahaadada Musharaxnimo

Guddiga Doorashada Galmudug,ayaa Maanta gudoonsiiyey shahaadada murashaxnimo xubno ay sheegeen in ay soo buuxiyeen Shuruudaha musharaxnimada.

Xubnaha la siiyay Shahaadada Musharaxnimo,waxaa ku jira Talyaha Kmg ah ee Nisa Yaasiin Farey oo Dacwadi ka taalay Maxkamada Ciidamada.

Sidoo kale Shuruudaha Mushaeaxnimo,waxaa ka mid ah in Qofkii haya Masuuliyad Dowladeed uu iska cadilo 3-Todobaad ka hor.

inkastoo Shalay uu shaaciyay Xeer-ilaaliyaha Maxkamada sare ee Ciidamada in lagu waayay Nisa in ay ku lug leedahay Dilkii Ikraan Tahliil Faarax.

Dhanka kale Kursiga uu utartamayo Yaasiin Farey ee Beesha Wacaysle Abgaal,waxaa cabasho kasoo gudbiyay Musharaxiintii kale ee ku tartamaysay Kursigaas.

8

Su’aasha iswaydiinta mudan,waxay tahay Kursiga Beri la dooranayo oo Ergadiisii aysan joogin Dhuusamareeb sidee ku noqonayaa Xalaal?