Video:-Buundada Caasimada Garowe oo la dhisayo

Dowladda hoose ee Garowe ayaa maanta daahfurtay qandaraaska dhismaha buundada isbitaalka Garowe, iyadoo la kala saaridoona shirkaddaha kala duwan ee soo codsaday qandaraaska dhismaha.

Guddi gaar ah oo ay dowladda hoose u saartay howshaan ayaa billaabi doona in ay qiimayn ku sameeyaan dokumentiyada ay soo gudbiyeen shirkaddaha Waddaniga ah ee codsiga soo gudbiyay.

Duqa Garowe Axmed Siciid Muuse ayaa sheegay in si degdeg ah loo bilaabi doono dhismaha buundada isbitaalka Garowe, oo baahi weyn loo qabo dhismaheeda, muddo dheerna lagu taamayay.