Maxaa Agaasimaha Ciidamada PSF-ta Puntland xilka looga qaadayaa?

Agaasimaha Ciidamada PSF ayay ubadan tahay in xilka laga qaado dhawaan.

Maxamuud Cismaan Diyaano,ayaa lagu badalayaa Aamiin Xaaji Khayr,sida wararku sheegayaan.

Hogaanka PSF,ayaa lagu eedeeyay arimo waa weyn oo ay ka mid yihiin…

1.Agaasime Maxamud oo siyaasada ku millmay.

2.Aminiga sugidiisii oo hogaanku siyaasadeeyey.

3.Ladagaalanka argigixsada oo hogaanku sidii la rabay ugu soo bixi waayay.

4.Dhaqaale urursi xoog leh oo hogaanku usoo jeestey,waxayna Qoys ahaan samaysteen Shirkado Ganacsi iyo Guryo fara badan.

5.Fahad oo ay musuul uga noqday hogaanku soo saarista Xildhibaanada Faderaalka ee kasoo baxaya Puntland.

6.Lacag walba oo ka timaada Xamar oo hogaanka PSF soo maraysa.

Kalabayr ilaa Bosaso,waxaa gaaray Ciidamo xoog badan oo kasoo ruqaansaday Mudug.

Sidoo kale Madaxweyne Deni,waxaa la socda Ciidan fara badan.

Gudaha Bosaso,waxaa horay ugu jiray Ciidamada Badda,Madaxtooyada,Booliska iyo Ururo Daraawiishta ah.

Jibril Qoobey.