Maxaad kala socotaa Maalgeliyaha Argagixisada Daacish Ee Puntland?

Axmed Yuusuf,waxuu la dhashay Gudoomiyaha Gobolka Bari Abwaan oo hada Seneter noqday Iyo Ganacsade Liibaan Dheere.

Axmed waa Ganacsade weyn oo leh Dhaqaalaha Liibaan Dheere ku shaqeeyo.

Axmed,isagoo ka faa’idaysanaya fursadaas Ganacsi,waxuu xiriiriye dhaqaalaha iyo Saadka ah unoqday Kooxda Argagixisada ah ee Daacish iyo ilo Maalgeliya.

Lacagtii iyo Saadkii ugu badnaa,ayuu ugudbiyay Daacish,isaga iyo Sxb-kiis oo hada gacanta Dowlada Imaaraadka ku jira.

Axmed waxuu galaaftay Dhalinyaro kale oo Walaalihii iyo ehelkiis ah,kuwaasoo laga soo masaafuriyay Imaaraadka,kadib markuu soo marsiiyay Lacagtaas.

Axmed oo ka baxsaday Dalka Imaaraadka oo markaas fariisin u ahaa,ayaa hada magac kale ku jooga Cumaan.

Cabdulqaadir Tuube maamulaha Bankiga Cumaan ee Caalamiga ah oo Dhalashada dalkaas haysta ayay Ganacsi wadaag noqdeen,isagaana deganaanashaha Wadankaas usameeyay.

Axmed iyo Sxb-kiis Tuubo ma yimaadaan Gobolada Somaliya marka laga reebo Hargaysa oo u ah Xarun fasax ay ku nastaan.

Axmed Yuusuf waxuu weli sii wada usoo gudbintii Daacish Saadka iyo Lacagta!!

La soco Qaybta xigta dabagal iyo xog ururin aan ku sameeyay Maalgelinta iyo Saadka Daacish-ta Puntland ilaha ay ka hesho.

Jibril Qoobey.