Madaxweyne qayb haka noqon Doorasho xaaraan ah!!

Madaxweyne qayb haka noqon Doorasho xaaraan ah.

Waa dhab in aad heli karto 100-ka Xildhibaan ee PL iyo JL.

Waa dhab in aad heli karto Dhaqaale kugu filan oo aad hankaaga ku tijaabiso.

Waa dhab in waxgaradka Puntland iyo Jubaland u arkaan hankaagu wax mudan in la garabgalo.

Balse kufsiga iyo burburinta Dowladnimada Somaliya qayb kama noqon karno.

Ergay Afduuban Xildhibaan uu doortay ma aqoonsan karno.

Ergo lagu badalay Askar Qof ay codsiiyeen Xildhibaan uma aqoonsan karno.

Beel Kursi ay lahayd Ergo looga dhigay Beel kale Dadkeed Qof ay codsiiyeen Xildhibaan ma noqon karo.

Qoor-qoor iyo Laftagareen oo gacan ku rimis ah Dowladnimada kuma halayn karno masiirna lama wadaagi karo.

Madaxweyne dadaalkaagii iyo shaqadii adkayd ee aad soo qabatay yaysan noqon hal bacaad lagu lisay.

Dib uga dag,hankaaga liq oo dhamaystir marka hore Dowladnimada Somaliya ilaalinteeda.

Kursigu yuusan kuu muuqan ee haadaanta ka sokaysa Arag!!

Madaxweyne Somalida kale Puntland ayay eeganayaan sida ay uga jawaab celiso waxa socda ee hogaami oo si cad uga hor imow Kufsiga lagu samaynayo Qaranimadii soo kabanaysay ee Somaliya.

Jibril Qoobey.