Faahfaahin Qaraxa ka dhacay Muqdisho goor dhawayd

Qarax aad u xooggan,ayaa goor dhow ka dhacay Muqdisho gaar ahaan waddada Cabdiqaasim meel ku dhow Isbitaalka Fiqi.

Wararka ayaa sheegaya in lala eegtay askar halkaas mareysay oo dad aan la hadlay ay iigu sheegeen in ay umaleynayaan AMISOM “Si dhab ah looma xaqiijin, sidoo kale rasmi looma oga nooca uu qaraxu yahay.

Dadka aan la hadlay waxay ii sheegeen in uu jiro bur bur uu qaraxu geystay. Askartii lala beegsaday ayaa weli goobta taagan. Dadkii aan la hadlay waxay sheegayaan in ay u maleynayaan in uu jiro khasaare.

Jidka uu qaraxu ka dhacay ayaa isku xira KM4 iyo Tarabuunka. Waana mid mashquul badan oo aad loo adeegsado waxaa ku yaalla Jaamacado badan iyo Cisbitaallo.