MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY TALIYAHA IYO TALIYE XIGEENKA QAYBTA BOOLISKA EE GOBOLKA CAYN.

Garoowe: 25 November 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 46 ee November 25, 2021 kuna saabsan magacaabid Taliyaha iyo Taliye Xigeenka Qaybta Boliiska ee Gobolka Cayn.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoondooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo

Markuu tixgeliyey: Talo soo jeedinta Taliyaha Ciidanka Boliiska Dowladda
Puntland

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa G/dhexe Fatxi Cabdikariin Ismaaciil loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Cayn
  2. Waxaa Dhamme Cabdi Muuse Guuleed loo magacaabay Taliye Xigeenka Qaybta Boliiska ee Gobolka Cayn
  3. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND