Tahriibayaal ku geeriyooday marin-biyoodka u dhexeysa Faransiiska iyo Britain

Ilaa iyo inta la ogyahay 33 muhaajiriin ah oo doonayay inay u soo gudbaan Britain,ayaa ku dhintay xeebta u dhaxaysa Faransiiska iyo England, kadib markii doon ay la socdeen ay ku degtay waqooyiga xeebta magaalada Calais sidda ay booliiska Faransiisku xaqiijiyeen.

Ururka Qaramada Midoobay ee muhaajiriinta ayaa sheegay in shilkani yahay kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca xeebtaasi tan iyo intii ay billaabeen ururinta xogta dadka ku nafwaayay biyahaas sannadkii 2014kii.