Video:-Sidee caalamku u arkaan hogaaminta Ciidamada jiidda hore Ee Abiy?

Abiy Axmed waxa uu si shaqsi ah u hogaaminayaa Ciidamada Militariga ee ka socda jiidda hore ilaa talaadadii ka dib markii ay sii kordheen dagaalada u dhaxeeya dowladiisa iyo Ciidamada Tigreega.

“Abiy waxa uu hadda hogaaminayaa weerar celiska, wuxuuna hagayey dagaalka shalay,” waxaa sidaas tiri warbaahinta dowladda ee FANA.

Ma cadda halka uu Abiy, oo horey uga tirsanaa militariga, uu dagaalka kaga jiro. Warbaahinta dowladda sidoo kale sooma bandhigin muuqaallo muujinaya isaga oo jooga aagga dagaalka.

Dhinaca kale,waxaa sii badanaya baaqyada Nabada ee ka imaanaya Caalamka.

Madaxweynayaasha Kenya iyo Koonfur Afrika iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka,ayaa ku celceliyey baaqyo xabbad-joojin ah.

Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka, oo ka jawaabeysa wararka sheegaya in Abiy uu tegay furinta dagaalka, ayaa ka digtay in dagaalka Ethiopia “uusan laheyn xal militari.”

“Waxaan ku boorineynaa dhammaan dhinacyada inay ka fogaadaan hadallada dagaal iyo dab hurinta ah, oo ay adeegsadaan is-xakameyn, ilaaliyaan xuquuqda aadanaha, shacabkana badbaadiyaan,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka Ned Price.

Halkan ka daawo muuqaalka