Talyihii Nisa ma loo doortay mise waa is doortay ?

Waxaa maanta la doortay Yaasin Cabdullaahi Farey oo hadda ah ku-simaha Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

Yaasiin Farey ayaa helay 68 cod, halka ninka la tartamayay Maxaamuud Cali Culusoow uu isna helay 20 cod, halka 3 cod ay halaabeen.

Yaasiin Fareey ayaa noqonaya sarkaalkii ugu horreeyay ee ciidanka dowladda ka tirsan oo jago sare haya oo loo soo doorto Xildhibaan.

Doorashadiisu waxay imaanaysaa,iyadoo Musharaxiintii kale kuwoodii ugu cadcadaa sheegeen in uu jiro Musuq baahsan,isla markaana Xeerarka Doorashada ay ka mid yihiin Qodobo oranaya (Waa in 3-todobaad ka hor xiliga isdiiwaangelinta uu iska casilaa Musharaxii xil Ciidan haya)

Sidoo kale,waxaa la sheegay in la hor istaagay Isinkii Beesha Waceysle ee uu Farey kasoo jeedo ee soo xuli lahaa Ergada wax dooranaysa.

Sida wararku sheegayaan Ergada wax dooratay,ayaa lagu tilmaamay in ay ahaayeen kuwo lasoo diyaarsaday oo Dhuusamareeb laga soo ururiyay.