Wax badan ka ogow waxa sababay xilka qaadista Agaasimaha PSF

Bilowgii u horeeyay Hay’adda PSF waxaa la asaasay dabayaaqadii sanadkii 2002,waxaana magaceeda la oran jiray PIS,waxaana maamulkii 1aad Hay’adda Madaxweynihii ugu horeeyay Puntland AUN Cabdulaahi Yuusuf Axmed uu u magacaabay Maxamed Aadan Bidaar oo ahaa sarkaal kasoo jeeda Gobolka Mudug.

Labo sano kadib #AUN Cabdulaahi Yuusuf OO loo doortay Madaxweynaha dowladda Soomaaliya wuxuu u wareegay Koonfurta Soomaaliya,waxaana ka dambeysay muddo lix bilood ah oo uu hogaaminayay PUNTLAND AUN Madaxweyne Maxamed Cabdi Xaashi,horaantii 2005-tii waxaa bedelay oo doorasho ku yimid Alle ha u naxariisto General Cade Muuse Xirsi,waxaana maamulkii hay’adda PIS si toos ah ula wareegay sarkaal waqtigaas sumcad ku lahaa ciidamada dhexdooda Col.Cismaan Diyaano oo ka mid ahaa dadkii kasoo qeybqaatay halgankii SSDF lasoo gashay dowladdii militariga ee kacaanka Soomaaliyeed,kahor intii uusan la wareegin Col,Osman Diyaano maamulka wuxuu Kuxigeen ka ahaa isla Hay’adda PIS,wuxuuna ka mid ahaa saraakiishii lagu bilaabay maamulkeeda.

Xukuumadda Madaxweyne Cadde Afar sano kadib PUNTLAND waxaa loo doortay Madaxweyne Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole wuxuuna muddo yar dabadeed xilka kaqaaday AUN Col.Cismaan Cabdulaahi Diyaano,kadib markii labo qeybood laga dhigay hay’adda,sida qeybta PSF wuxuu u magacaabay General Asad Cismaan Cabdulaahi Diyaano,halka qeybta PIA-da uu u magacaabay S/guuto Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare).

Madaxweynihii shanaad ee PUNTLAND Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u magacaabay Agaasimaha PSF Maxamuud Cismaan Cabdulaahi (Diyaano) kadib markii uu shaqada iska casilay General Asad Cismaan Cabdulaahi (Diyaano) oo ay walaalo yihiin,islamarkaana ka mid ahaa musharaxiintii ka qeybgalay doorashadii dhacdey horaantii sanadkii 2019.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha lixaad ee dowladda Puntland Siciid Cabdulaahi DENI maalmo kahor wuxuu xilka ka qaaday maamulka Hay’adda PSF Maxamuud Cismaan Cabdulaahi (Diyaano) waxaana ka dhashay xil-kaqaadistaas khilaaf ay saadaalinayaan dad badani,wada-hadal iyo isfaham inuu ku dhamaan doono.

W/Q:-Col.Aadan Yuusuf.