Gudoomiye Mursal oo dib loogu doortay Kursigiisii

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan,ayaa loo doortay inuu mar kale noqdo Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha ayaa u tartamayay kursiga sumadiisu tahay HOP182, isagoo helay codad gaaraya 88 Cod, ka dib doorasho goor_dhow ka dhacday Magaalada Baydhabo.