Baaq ku socda Ilmo Diyaano!!

Fariintayda Asad iyo Maxamuud iyo guud ahaan Qoyska”

Urur Ciidan ah hogaamintiis haku badalinina hogaaminta Afar Milyan oo reer Puntland ah.

Uma layn maayo fursada aad haystaan ee ku aadan hogaaminta Puntland cid haysataa in ay jirto.

Doorashadii Madaxweyne Deni lagu doortay,waxaad noqotay Asadoow Ninkii sigay oo Afar Cod looga guulaystay.

Xisbiyada markii loo dhaqaaqayna,waxaad gaarteen in Ururkiinu kii Dowlada ka awood bato.

Dhanka sumcada iyo rabitaanka Umadda kor baad ukacdeen.

Maanta haluminina fursadahaas iyo sharaftaas oo aqbala nidaamka Dowladnimo.

Xataa hadii aad ku guulaysataan ka hor imaadka Wareegtada Madaxweynaha,waxaad lumiseen kalsoonidii Bulshada cid wax danbe idin dhiibanaysaana majirto.

Waa nagu adag tahay in aan aragno idinkoo Ciidankii Puntland Xabad idinku bilaabay.

Uwareejiya Agaasinka PSF si qurux badan,halkaasna ka baxa cid idinka fursad fiican majirtee.

Jibril Qoobey.