Video:-Buurmadow oo dhex fariistay Fadeexad weyn oo khatar ku ah Dowladnimada Somaliya

Buurmadow oo ka hadlayay Xaflad lagu soo dhawaynayay Magaalada Muqdisho,ayaa yiri sidatan mar uu ka hadlayay Beesha Direed iyo hankeeda.

Waxaa idhi ninkaas isku caqiido ma aheyn oo isku meel uma aanu wada jeedin, laakiin nin tolka ah oo reerka ka dhintay ayuu ahaa. Isaga (Godane) iyo xarakadiisa, iyo reerka uu ka dhintayba qoys ayuu ka tirsanaa oo uu kasoo baxay waa ka tacsiyadeeyay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in marka laga yimaado dowladda federaalka ay gudaha Soomaaliya ka taliso dowlad kale oo uu ku sheegay xarakada Al-Shabaab, taasi oo uu madax kasoo noqday Godane.

“Marka layiraahdo oo idinka Dir ah miyaynaan Madaxweyne iyo Ra’isalwasaare doonayn, Waxaa idhaahda labo Dowladood,ayaa meesha ka dhisan,Dowladda Shabaabka Dir,ayaa madax ka ah oo weliba laguma tartamo.”Ayuu yiri Buurmadow.

Hadalkan,waxuu damqay guud ahaan Bulshada Somalida,gaar ahaan reer Koonfurka oo Alshabaab ay dhib badan ugaysteen.

Halkan ka daawo muuqaalka hadalka Buurmadow

Wasiir Axmed Macallin Fiqi,ayaa jawaabtan ka bixiyay hadalka Buurmadow…

Boqor Buurmadow haddii uu ka samafalay dadkii Laascaanood sida aan wanaagsanayn looga soo tarxiilay, waxaa looga fadhiyaa in uu diyaariyo magdhowgii dadkii kumanaanka ahaa ee Godane iyo xarakadiisu ay laayeen!

Hadalka uu ka horsheegey dhibanayaashii Godane iyo xarakadiisa argagixisada ah ay ehelkoodii laayeen waxaa loo qaadan karaa ku digasho iyo in aysan boqorka u qiyaasnayn xajmiga kalimadaas ay leedahay iyo saamaynta xun ee ay ku reebeyso dadka ay dhibaataysay argagixisada iyo hogaamiyahooda uu naxariista u muujiyey.

Boqorku hadalkaas waa inuu cudurdaar ka bixiyaa, iskumana qalanto sida loo maamuusay iyo boogaha uu damqiyey! “