Wasiirka Amniga Fadaraalka oo ka cudurdaartay Qoraal Turkiga ka dhan ahaa

Wasiirka Amniga Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa raalligelin ka bixiyay wax uu ku tilmaamay “khalad uu jeebkiisa sameeyay” oo ka dhacay bartiisa Twitter-ka.

Hadalka wasiirka ayaa daba socday hadal heyn baraha bulshada qabsatay oo ku saabsaneyd inuu wasiirku Twitter-kiisa ku sii faafiyay qof qoraal ku weeraray dowladda Turkiga.

Hase yeeshee Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in “telefoonka oo jeebkiisa ku jira uu dhacay fal celiskaas”, isaguna uusan waxba ka ogeyn. Waxa uuna eedeeyay dadka sii faafiyay arrintan.

“Waa wax laga xumaado in qaar ka mid ah bogagga baraha bulshada lagu siyaasadeeyo faainta uu jeebkeyga ku sameeyay twitter, jahwareer kasta oo arrintaas kama’a ah ay cid walba ku keentayna waxaan ka bixiyay raalligelin,” ayuu ku qoray Twitter-kiisa.

Qofka qoraalka ku weeraray Turkiga ayaa yiri: “Turkiga wuxuu Itoobiya ku fatahay drones kaddibna wuxuu muwaadiniintiisa ku boorriyay inay si deg deg ah uga baxaan Addis Ababa.”

Wasiirka Amniga Fadaraalka Soomaaliya,ayaa markii dambe boggiisa ka masaxay faafinta uu ku sameeyay qoraalkaas hadal-heynta dhaliyay.