Dhex-dhexaadin meel wanaagsan maraysa oo laga galay Arinka PSF

Dhex-dhexaadin meel wanaagsan maraysa,ayaa socota.

Mida koobaad,waxaa wada Islaan Bashiir oo labada dhinac la xiriiray kana afqaaday ayna ubadan tahay in uu beri usafri Bosaso si uu ula kulmo Boqorka iyo Wiilasha.

Mida labaad,waxaa wada Aqoonyahano iyo Siyaasiyiin uu hogaaminayo Jurille,waxayna xiriir la sameeyeen Labada dhinac oo ka afqaadeen.

Mida Sadexaad waxaa wada Ganacsato reer Mudug ah,kuwaasoo Bosaso kula soo kulmay Wiilasha Ilmo Diyaano,haatana Garowe yimid oo Madaxweynaha la kulmaya.

Dhamaan dadaaladaasi waxay ka siman yihiin in Wareegtada Madaxweynuhu ku hirgasho si nabad ah.

Wiilashu waxba ma diidana,waana ogol yihiin xil wareejin balse waxay qabaan dood mudan in loo hakado.

Madaxweyne Deni waa aqbalay dadaalada,waxuuna bixiyay hubaal ah in uusan wax dagaal ah amrayn oo uu tixgelinayo Haldoorka.

Jibril Qoobey.