Video:-Seneterada Maraykanka oo qaylo dhaan kasoo saaray xasuuqa Tigreega

Brad Sherman,”Waxa Itoobiya ka socdaa waa xasuuq nooc kasta ah, mana sugi karno in ay tani noqoto Ruwaanda kale ka hor intaanan tallaabo qaadin”

Dhawrkii toddobaad ee u danbeeyay oo keliya, in ka badan 30,000 oo Tigrayan ah,ayaa la isugu geeyay xeryo dadka lagu hayo oo ku yaal guud ahaan Itoobiya.

Saraakiisha Dowladu waxay dadka Tigreega ah ugu yeereen “jiir” iyo “kansar”.

Marka la eego warbaahinta Cunsiriyada ah ee Abiy, xaaladdu waxay noqon kartaa mid ka sii dareysa.

Maraykanku waa in uu qaadaa tillaabo kasta oo suurtagal ah si loo soo afjaro go’doominta Abiy & Eritrea ee Tigray, si loogu helo Cunto gargaar ah 1-Milyan oo wajahaya macaluul, loogana hortago xasuuq.

Halkan ka daawo muuqaalka