Madaxda Somalida oo kulmaysa iyo heshiiskii 17-Sep oo dib U Eegis lagu samaynayo

Kulan ka dhacay Nayrobi oo beesha caalamka dhexmaray,ayaa looga dooday sida Doorashada Aqalka-hoose ku bilaabatay.

Dood dheer kadib Wakiilada Beesha caalamku waxay isla qaateen in lagama maarmaan ay tahay wax ka badal lagu sameeyo hanaanka wax usocdaan.

Wakiiladu waxay lasoo xiriireen RW Rooble oo ay usoo gudbiyeen aragtidooda,waxaana warku igu soo gaaray in uu la qaatay.

Intaas kadib,waxaa la gudoomiyay Labadan Qodob ee kala ah….

1.Waxaa laga marmaan noqotay in kulan ay iskugu yimaadaan Golaha Wadatashiga Qaran.

2.In dib loo eego caqabadaha ka soo baxay heshiiskii 17 September.

RW Rooble,ayaa laga sugayaa iclaaminta Shirka Madaxda Somalida goorta uu dhacayo iyo halka uu ka dhacayo.

Waxay umuuqataa in wax laga badali doono Goob Doorashooyinka ,Ergada iyo Xeerarka.

Jibril Qoobey.