Hawlgalka la dagaalanka Burcad Badeeda Somaliya oo mudo kordhin loo sameeyay

Golaha Ammaanka QM ayaa Jimcihii u codeeyey in saddex bilood oo kale in lagu siyaadiyo hawlgalka caalamiga ah ee lagula dagaalamo burcad badeedda Somaliya.

Dowladda Mareykanka,ayaa soo diyaarisay Qaraarka,waxaana lagu ansixiyey cod aqlabiyad oo 15-ka dal ee golahu isku raaceen.

Faransiiska,ayaa ka digay in muddada lagu kordhiyey howlgalka ay aad ugu gaaban tahay oo uu abuurayo “firaaq amni.”

“Ayada oo muddo sanado ah uu jiro howlgalkan,wax weeraro ah ma aysan dhicin afar sano,” waxaa sidaas yiri isku-xiraha howlgalka Faransiiska ee QM Sheraz Gasri.