Maxaa ugu danbeeyay khilaafka PSF iyo Madaxtooyada?

Khilaafka xil ka qaadista Agaasimihii hore PSF ma soo afjarmin weli waxaana xalay wada hadalkii ugu horeeyay ka yeeshay Maxamuud Cismaan Diyaano iyo Labo masuul oo kala ah Senator Tima-cade iyo Senator Cabdiqani.

Kullanka labada dhinac oo ahaa bilow waxaa loo balamay saaka in uu sii socdo,Balse ma suurto galin sababo lagu sheegay Jeneral Maxamuud Cismaan Diyaano oo ka baaqsaday balankii.

Xaalada Bosaso,ayaa degan,waxaana ka socda hawlgalo laamaha amnigu ay ku xoojinayaan Amaanka.