Sidee usocotaa Shaqada Dekeda Bosaso?

BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa kormeer Shaqo ku tagay Dekadda Boosaaso.

Maamulaha Furdada Boosaaso Maxamed Yuusuf iyo Taliyaha Saldhiga Dekadda G/dhexe Warsame Axmed Shirwac ayaa Wasiirka ku soo dhoweeyay Dekedda.

Wasiirka ayaa kormeer ku sameeyey Goobaha kala duwan ee shaqadu ka socoto ee cashuurista Badeecadaha ay keeneen Doonyaha iyo Maraakiibtu.

Markii uu soo idlaaday kormeer ka shaqo Wasiirka ayaa kulan la qaatay Maamulaha Furdada iyo mas’uuliyiinta kale ee Wasaaradda Maaliyadda ayda oo kulan kaasi looga wada hadlay kobcinta iyo kor u qaadista Dakhliga.

Mudane Xasan Shire Cabdi Wasiirka Maaliyadda ayaa Madaxda iyo shaqaalaha Kastamka Furddada kula dar-daarmay in ay xoojiyaan dadaalkooda shaqo.

Ugu dambayn Wasiir Xasan Shire Cabdi ayaa kormeer ku sameeyey Xafaarada qodista kuwada dekeda Taas oo shaqo wanaagsan oo mira dhal noqotay ka qabatay Dekada suurta galisayna in doonyo badan ay ku soo xirtaan Dekada.