Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo dacwad ku soo oogtay ganacsato ka dhaga adaygtay bixinta cashuuraha

GAROWE – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa dacwad ku soo oogtay ganacsto ka dhaga adaygtay bixinta cashuuraha iibka.

Dacwadan waxaa gudbiyay Guddiga kor u qaadista iyo dardar gelinta dakhliga cashuuraha Wasaaradda waxana loo gud biyay Xeer ilaanta.

Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamed Xareed Faarax ayaa sheegay in xafiiska Xeer Ilaalinta ay soo gaartay meherado ganacsi oo diiday iney qaadaan cashuurta ku waajibtay.

Wuxuu sheegay in lafo-gurid dheer kaddib la isku raacay in la hirgeliyo heshiiska markii hore ay wada gaareen Wasaaradda Maaliyadda iyo ganacsatada meheradaha.

Maxamed Xareed Faarax ayaa ugu baaqay ganacsatada iney bixiyaan cashuurta ku waajibtay iyaga iyo ganacsigooda.

“ Haddaba dhammaan ganacsatadaa meheradaha derajo kasto oo ay yihiin waa iney bixiyaan cashuurta ku waajibtay iyaga iyo cashuurta ganacsigooda ku waajibtay, waayo cashuurtu waa muqadas in la bixiyo…” ayuu yiri

Cidii bixin weyda cashuurta ayuu ku tilmaamay cid dafirtay jiritaanka Dowladda Puntland , si kastoo tahayna muwaadinka looga baahan yahay in uu cashuurta bixiyo.

Nuuraani Xaaji Maxamed Aw Axmed
Guddiga kor u qaadista iyo dardar gelinta dakhliga cashuuraha Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in ay sii wada doonaan dacwadan tan iyo inta ay cashuurta ka bixinayaan ganacsatadu.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland