Deegaanka Somali Galbeed oo Tababartay Ciidamo cusub

Kumannaan ciidan ah oo ka mid noqonaya Xoogga Ciidanka Gaarka Ah Ee DDS,ayaa saaka ka qalin-jabiyay Dugsiga tababarrada Gaashaanle Khadar ee Degmada Birqod.

Ciidammadani ayaa noqonaya dufcaddii 12aad.

Madaxweynaha DDS, Mustafe Muxummed Cumar, hoggaanka Xafiiska Nabadgelyada DDS,Mubashir Dibbad Raage, taliyaha guud ee Xoogga Ciidanka Gaarka Ah Ee DDS, jenneraal Maxammed Axmed Maxammuud iyo marti-sharaf kale ayaa ka qeyb-gashay munaasabadda xidhitaanka tababarkani.

Tiraba dhowr jeer ayay ciidammo kala duwan oo ku hubaysan tabbabaro heerkoodu uu sarreeyo ay ka soo baxeen xeradani tababarrada ee Gaashaanle Khadar; ciidamadaasi oo ay u badnaayeen Xoogga Ciidanka Gaarka Ah Ee DDS oo ay xukuumaddu ugu talo’gashay in shacabka Soomaaliyeed ay ka difaacaan cadowga.

Dad badan,ayaa qaba in Mustafe utababarayo Ciidamadan ku taageeruda Abiy ee dagaalka Tigreega,taasoo Somalida aysan wax dan ah ugu jirin.

Xiligan ay Itoobiyadii kale kala tagtay waxay ahayd in hogaaminta Deegaanku ka faaidaysato oo ay Somalida cudud usamayso.