Deeqa Cabdi Dhalac oo noqotay Duqa magaalada South Portland Ee Maraykanka

Gollaha Deegaanka magaalada South Portland ayaa Deeqa Cabdi Dhalac u xushay in ay noqoto Duqa magaalada South Portland Gobolka Maine ee dalka Maraykanka.

Deqa Abdi Dhalac oo ka tirsanayd Gollaha deegaanka magaalada South Portland,gaar ahaan xaafadda 5-aad ayaa waxaana Gollaha deegaanka magaalada South Portland u xusheen in ay noqotay Duqa Magaalada South Portland ee Gobolka Maine ee dalka Maraykanka.
Deeqo waxay dalka Maraykanka soo gashay 1992,waxayna wax ku baratay dalka maraykanka,iyadoo in muddo u adeegaysay dadka ku nool Magaalada South Portland ee Gobolka Maine ,gaar ahaa dadka soo galootiga ah.


Wax qabadkeeda & hormarka ay bushada ku kasbatay ayaa waxaa Deqa 2018 loo doortay Gollaha deegaanka Magaalada South Portland,gaar’ahaan Xaafada 5-Aad,iyadoo mar labaad xaksatay gursigeedii,waxaana 16 bishaan Nov. Gollaha deegaanka oo ka koobna 7 u xusheen in ay noqoto Duqa magaalada South Portland,iyadoo 6 Decamber-na toos ula wareegidoonta maamulka xafiiska duqa Magaalada South Portland.

Marwo Deqa Dhalac ayaa waxay noqnaysaa gabadhii ugu horraysay ee Soo galooti Africaan Soomaali ah Muslim ah oo loo doorto Duqa magaalo ka mid ah magaalooyinka Maraykanka.


Waxaana ugu horrayn waydiiyey madaaba ay ka mid ahayd Gollaha deegaanka waxay ku doortay in ay noqoto Duqa magaalada South Portland & wax ay ku kala duwan yihiin shaqada Gollaha deegaanka & duqa magaaladaas.


W/D C/xakiim Cabdi ismaaciil