Khamri fara badan oo lagu Burburiyay Garowe

GAROWE: 5 Dec 2021 .Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Nugaal G/Sare Xuseyn Cali Maxamuud,ayaa maanta goob fagaare ah ku gubay Khamri tiro ahaan Gaaraya 457 Dhalo kuwaa oo laga soo kala qabtay Magaalada Garowe,iyadoo si dhuumaalaysia ah loo soo gali lahaa Caasimada Puntland ee Garowe.

Waxaaana Goob joog ka ahaa Goobta lagu Gubayay Maandooriyahan kala duwan ku xigeenka Xeer ilaalinta Guud Puntland, Guddoomiyaha Gobalka Nugaal, Iyo Saraakiisha Ciidamada Booliska.

Taliyaha qaybta Booliska Gobalka Nugaal G/Sare Xuseen Cali Maxamed ayaa Bogaadiyay dadaalka ciidamada ee la dagalanka Maandooriyaha waxa uu xusay inay Meel kasta ugu Galayan cid kasta oo isku dayda inay Gobalka Soo galiso Maandooriye iyo wixi la xiriira isagoo dig noo soo saaray.