Xiisadda Militari Ee ka taagan xuduudda Ruushka iyo Ukraine oo Cirka isku sii shareeraysa

Markale ayaa waxaa xaaladi ka taagan tahay xadka u dhaxeeya wadamada Ruushka iyo Ukrain.

Mareykanka, Midowga Europe iyo Ukraine ayaa walaac weyn ka muujiyey Ciidamo la sheegay in ay Moscow soo dhoobtay xuduuda u dhaxaysa labada Dal.

Unugyo ka tirsan guutada 41-aad ee Ruushka,ayaa wali ku sugan magaalada Yelna oo 260 KM u jirta sooh dinta waqooyiga Ukraine.

Wasaaradda difaaca ee dalkaasi,ayaa sheegtay in bishii lasoo dhaafay ay 90,000 oo ka mid ah malitariga Ruusku ku sugnaayeen Bariga Xuduuda Ukrain.