C.I.D Puntland iyo UNODC oo shir yeeshay

Puntland- Waxaa xafiiska hogaanka CID Puntland ee Garoowe soo booqday madaxa xafiiska UNODC u qaabilsan Afrika ee Ka hortaga Human Trafficking Mr. Paul Beck iyo Masuuliyiin la socotay.

Mr Paul waxaa si wada-jir ah usoo dhaweeyay Taliyaha hogaanka CID Puntland Gen. Omar Bille iyo Taliya ku xigeenka Hogaanka CID Puntland G/Sare Abshir Hussein Said Dabaylaha.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa oo looga hadlay sidii kor loogu qaadilahaa Waaxaha Crime prevention, iyo Unitka Human trafficking ee CID-da Puntland.