Garaad Saleebaan oo ka hor yimid Dalab uga yimid Madaxtooyada Puntland

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo lagala soo hadlay Madaxtooyada Puntland,ayaa iska diiday in uu beeniyo Warqada ay soo saareen Isimada uu hogaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Waxaa kaloo ka fashilmay Madaxtooyada qorshe Isimada waa weyn ee Beesha Dhulbahante looga hadalsiinayo.

Saakay ayay ahayd markii uu socon waayay abaabul looga hadal siinayo Nabadoonada iyo Isimada Bugaanbugta loo yaqaan ee Gobolka Bari.

Waxay umuuqataa in Wareegtadii kasoo baxday Isimada Bari ee soo jireenka ah lagu dhici waayay in laga daba tago.