Maxaa xiga Diidmada Go’aanka Isimada Ee Deni?

Haduu hal talaabo horay uqaado,waxuu aqbali doona go’aamada Isimada,isagoo ka liita kana foolxun sida hada uu yahay.

Balse,waxaa la aaminsan yahay in uusan hal talaabo horay uqaadi karin,marka la qiimeeyo awooda hor taagan ee Ilmo Diyaano haystaan.

Warkii xalay soo saaray,waxay qabaan xog ogaal badan in uu ahaa isgiijis aan waxba ka hoosayn.

Madaxweyne Deni si fudud,ayuu Dhiiqo lugaha ulagalay Dalkana ugeliyay,markii Wado looga saaro loo sameeyayna waa diiday,isagoo waliba Qoordhiibtay go’aanka ka hor.

Go’aamada Isimadu way soconayaan,waana kuwa ay kusoo gabagaboobi doonaan ugu danbayn.

Dad badan,ayaa qaba hadii uu dagaal ku qaado Ilmo Diyaano in uu ku fashilmayo soona deg-degi doono fashilkiisa Madaxweyne Deni.