Swan oo ka hadlay musuqa Somaliya ka jira

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo maanta ka qeyb galay xuska maalinta caalamiga ah ee la dagaallanka musuq-maasuqa ayaa sheegay inay Soomaaliya muhiim u tahay dhismaha hay’ado dowladeed oo leh isla xisaabtan iyo hufnaan.

Bayaan kasoo baxay xafiiska Swan ayaa lagu yiri “Musuqmaasuqu wuxuu caqabad wayn ku yahay horumarka. Wuxuu wiiqayaa dedaallada ku aaddan dowlad-dhisidda, nabadda iyo dib-u-heshiisiinta. Sidoo kale wuxuu wiiqayaa kalsoonida shacabka, wuxuuna wiiqayaa hay’adaha dowliga ah iyo awooddooda ay ugu adeegayaan shacabka Soomaaliyeed,”

Ergeyga Gaarka ah ee Qarmada Midoobay, James Swan ayaa intaas ku daray “Ayadoo taa la eegayo, Qaramada Midoobay waxaa dhiirigeliyey ku biirista Soomaaliya ay dhowaan ku biirtay Axdiga Qaramada Midoobay ee ka hortagga musuqmaasuqa,” ayuu raaciyay. “Tani waa tallaabo muhiim ah oo horay loo qaaday.”

Bayaanka Qaramada Midoobay ayaa intaas ku daray “Qaramada Midoobayda ee Soomaaliya waxa ay soo dhowaynaysaa sida ay uga go’an tahay Dowladda Faderaalka ah dhanka hirgelinta dib-u-habaynta lagu xoojinayo dawladnimada iyo in la yareeyo u nuglaanshaha musuqmaasuqa. Ballanqaadkan waxa caddaynaya magacaabista guddiyada madaxa bannaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa bishii Maajo 2021”.

“Waxaan ku boorineynaa dhammaan laamaha dowladeed inay qaadaan tallaabooyin dheeraad ah si loo ilaaliyo daacadnimada iyo isla xisaabtanka maamulka maaliyadda iyo tas-hiilaadka dadweynaha iyadoo la xoojinayo qaababka sharciga iyo hay’adaha ee ka dhanka ah musuqmaasuqa islamarkaana la adeegsanayo dhaqangelin adag iyo tallaabooyin ciqaabeed,” ayuu yiri Mr. Swan.